Erayada ahmed Haraf
Laxanka Khaalid kaamil
Music Abdifitah yare

kugu daalay adoon i dareemin
u dul qaatay adoo i damqaaya
kuu daneeyay adoo i duraaya

dayrisay qalbi kuu dana sheegtay
dumiyaay adigoo dab ku oogay
wadnahaad dishay kaa durki waaye

kooras
ma dullee qof ku soo biday daawo
ha dagee la degbaa dabcigaagu
ma dawaad ka heshaa dulmigayga
doqon ma ihiye waan danqadaaye
bal dareen waxan kuugu dul qaato

kuu dibjiray adigoon i dabiibin
u dirnaaday waxaad dalbanayso
ku daryeelay adoon i dawaynin

u dib dhigay dartaa danahaygii
dafiraay anigoo wax dadaayay
oo kun dakhar qabay kaa didi waaye